Wednesday, June 25, 2025

Maxay isku afgarteen Axmed Madoobe & Taliyaha Ciidamada AMISOM..? [Akhriso]

Kadib kulan magaalada Kismaayo ku dhex maray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen. Tigabu Yilma ayaa waxaa shir jaraa’id qabtay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in shir ay yeesheen Madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha fulinta iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo maanta soo tegay Magaalada Kismaayo ay uga hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono.

Wuxuu intaasi ku daray Taliyaha MISOM uu u sheegtay inaysan AMISOM wax faragelin ah ku sameyn doonin Doorashooyinka Jubbaland, ayna been tahay wararka laga faafinayo ciidamada AMISOM, ayna Axmed Madoobe iyo taliyaha AMISOM isku raaceen in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa hore warar aan jirin uga fidiyey kulankii dhex maray Axmed Madoobe iyo Wakiilka Q/Midoobay James Swan, iyadoo wax war ah aanu weli kasoo bixin AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON