Friday, July 18, 2025

Maxay Jeneraal Indha-cadde iyo ciidamada ilaaliya u tageen Saldhigga Booliska Degmada Waaberi..?

Jenaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa caawa tegay Saldhiga Booliska Degmada Waaberi, ee Gobolka Banaadir, isagoo wata ciidamada ilaalada u ah.

Jeneraalka oo sidoo kale ka mida saraakiisha taabacsan Musharixiinta Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu daba joogay haween ay ciidamada Booliska soo xireen iyagoo bannaanbax dhigaya Isgoyska Banaadir galabta oo ay ku jirtay gabar uu adeer u yahay oo lagu xiray saldhigga Waaberi.

Indha-Cadde ayaa beeniyay inay ciidamadiisa la wareegeen Saldhigga degmada Waabari, sida lagu faafiyey baraha bulshada, balse uu saldhiga u tagay dad uga xirnaa, islamarkaana aysan jirin wax shaqaaqo ah oo dhacay saldhigga. Wuxuu intaa raaciyay inaysan suurtagal aheyn inuu weerarro Saldhig dowladeed..

Ma jirto wax faahfaahin ah oo ciidamada Amniga ka soo baxay oo ku saabsan dhacdooyinka maanta ka dhacay Muqdisho. Galabta ayaa nin dhar-cad ah oo Bistoolad ku hubeysan rasaas ku riday dhowr qof oo banaabax kooban ka waday agagaarka Isgoyska Banaadir, iyadoo ciidamada ay xireen saddex haween ah oo qeyb ka ahaa dadkii bannaanbaxa dhigayay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON