Madaxweynaha cusub e maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xafiiskiisa magaalada Dhuusamadeeb kulan kula yeeshay Saraakiil ciidamada AMISOM ee ka howlgala Galmudug.
Kulankan ayaa la sheegay in looga hadlay xoojinta Amniga degaanada Galmudug, iyadoo la isla gartay sidii loo xoreyn lahaa degaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab ee Galmudug.
Ciidamada AMISOM ee Galmudug ayaa ka kala socda dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, mana jirin howlgallo ay qaadeen wixii ka danbeeyay aakhirkii 2016 oo ciidamadii dowladda Itoobiya ay ka baxeen degaanad Gobolka Dhexe, sida Ceelbuur iyo tuulooyinka la xiriira, ayna dib u qabsadeen Alshabaab.



