Maxay ka wadahadleen Ra’iisal Wasaare Kheyre & La-taliyaha madaxweyne Donald Trump?(Sawirro)

La-taliyaha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Mareykanka John Bolton ayaa maanta la kulmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo socdaal shaqo ku jooga dalka Mareykanka.

John Bolton ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulan uu la yeeshay Ra’iisal wasaare Kheyre, isagoo ugu hambalyeeyay dib u habeynta dhaqaale ee Somalia ka socota, kuna booriyey in la sii xoojiyo dadaalkaasi.

“Waxaan ka wadahadalnay xoojinta xiriirka adag ee Mareykanka iyo Somalia oo dhinacyo muhiim ah iska kaashanaya sida dagaalka argagixisada iyo nabadda Gobolka..” ayuu yiri La-taliyaha Madaxweynaha Mareykanka.

Ad

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhinaciisa uga mahadceliyay John Bolton soo dhoweynta diitan ee uu xafiiskiisa ku soo dhoweeyay, iyagoo ka wadahadlay arrimaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, dib u habeynta Amniga iyo sii xoojinta xiriirka labada dal si looga guuleysto argagixisada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

126,301FansLike
1,073FollowersFollow
3,207FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!