Tuesday, August 5, 2025

Maxay ku heshiiyeen madaxweynayaasha maamul Goboleedyada la isugu geeyay Imaaraadka.? [Akhri Qodobadda]

Shir aan la shaacin  oo madaxda maamul  goboleedyada Soomaaliya uga socday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadaka Carabta ayaa la soo gabagabeeyay.

Shirkan oo aan warbixin badan laga helin ayaa isha qura ee warkiisa baahisay waxay ahayd Wakaalada Wararka Imaaraadka Carabta ee sheegtay in labada madaxweyne ee maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku heshiiyeen in la joojiyo dagaalka magaalada Gaalkacyo, waxaan qodobada heshiiska ka mida.

  1. In la joojiyo dagaalka magaalada Gaalkacyo
  2. In la joojiyo hadallada colaadeed ee la isu marinayo Warbaahinta
  3. In la fududeeyo soo noqoshada dadka soo barakacay
  4. In la sameeyo guddi wadajir ah oo arrinta Gaalkacyo xal waara ka gaara
  5. In shir kale oo ku saabsan xaaladda Gaalkacyo lagu qabto magaalada Kismaayo

Bayaan ay soo saareen madaxda maamulada dalka oo heshiiskan lagu caddeeyay ayaa sidoo kale loogu mahad celiyay doorka dowladda Imaaraadka Carabta ka qaadatay xalinta colaadda magaalada Gaalkacyo iyo nabadeynta dalka Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON