Thursday, April 25, 2024

Maxay tahay Maqaamka Sare ee Madaxweynaha Mareykanka u aqoonsanayo Dalka yar ee Qatar..?

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii u ballan-qaaday amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani inuu dhowaan dalka Qatar u aqoonsan doono xulufo weyn oo aan NATO aheyn, taasi oo dalkan siineysa maqam gaar ah.

Kulan ay ku yeesheen Aqalka Cad, ayuu madaxweyne Biden sheegay inuu dhawaan ku wargelin doono Congaress-ka Mareykanka magacaabista Qatar, taas oo Mareykanka u ogolaaneysa inuu soo dhaweysto xulufada aanan NATO ka tirsaneyn, balse militariga Mareykanka la leh xiriirka shaqo ee istaraatiijiga ah.

Madaxweyne Biden oo uu dhinac fadhiyay Amiirka Qatar, Sheekh Tamim Bin Hamad, ayaa ku tilmaamay Qatar saaxiib wanaagsan oo la isku halleyn karo oo karti leh, Islamarkaana soo dhaweynteeda Isbaheysiga NATO ay aheyd arrin muddo dheer dib looga dhacayay.

Qatar waa dalka ugu soo saarista badan gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, waxaana hadda suuragal ah in wax soo saarkeeda ay u weeciso Yurub, haddii colaadda Ukraine ay carqaladeyso Gaaska uu hadda Ruushka siiyo Qaaradda Yurub.

Ajandaha Biden ee Aqalka Cad ee kulanka Amiir Tamim ayaa qeyb ka ahaa wadahadallada nukliyeerka Iran iyo xiriirka Afghanistan, halkaas oo danaha Mareykanka hadda uu wakiil uga yahay dalkaan yar ee ku yaalla Gacanka Khaliijka.

Biden ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Amiirka Qatar ay Isniinti ka hadleen arrimo kale oo dhowr ah oo ay ku jireen xoojinta xiriirka ganacsiga iyo iskaashi ay labada dhinac ka sameeyaan maal-gashiga.

Sheekh Tamim ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeeshay Xoghayaha Ammaanka Gudaha ee Mareykanka, Alejandro Mayorkas iyo Xoghayaha Gaashaandhiga Lloyd Austin, oo uu kala hadlay arrimo la xiriira iibinta hub iyo arrimo kale oo militari.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON