Tuesday, June 24, 2025

Maxamed C. Waare: “Waxaa ‘Hiiraan’ Colaad ka abaabulaya Dad dano siyaasadeed oo gurracan leh..”

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka digay colaad laga abaabulayo Gobolka Hiiraan, isagoo baaq u diray Beesha uu kasoo jeedo.

Qoraal uu soo saaray ayuu Mudane Maxamed Cabdi Waare ku yiri: “Waxaan maanta maqlay war naxdin leh: in Beledweyne Duleedkiisa lagu dilay dhowr qofood oo beeraley ah. Arrintaasi waxay halis u tahay inay soo noolaato colaadii qabooday ee u dhexeeysay beelaha walaalaha ah ee Xawaadle iyo Surre”.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo xilligan dalka ka maqan ayaa tacsi u diray dadkii la dilay, wuxuuna arrintan ku eedeeyay dano siyaassadeed leh oo aanu magacaabin, wuxuuna beesha ugu baaqay inaysan dulqaadato.

“Waxaan xog ku heynaa in arrintaas abaabuleen dad dano siyaasadeed oo guracan leh. Waxaan ugu baaqaayaa walaaluhu inaysan ku dhicin dabinka loo maleegaayo, colaadana joojiyaan. Gaar ahaan beesha Xawaadle ee dadka laga dilay inay muujiyaan sabir & dulqaad” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Jimcihii ayeyahayd markii ay dabley hubeysan weerar ku qaaday duleedka magaalada Beledweyne ay ku dishay dhowr qof oo Beeraley ahaa, iyadoo laga cabsi qabo inay soo laabato xiisad colaadeed dib uga bilaabato degaankaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON