Thursday, June 26, 2025

Max’ed Cabdi Yuusuf: “Jen. Gabre ayaa iga reebay Liiska Musharixiinta Aqalka Sare..” [DHAGEYSO]

Siyaasi caan ah oo ka tirsanaa xildhibaanada  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in laga hos istaagay inuu isku soo sharxo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo mar soo noqday Ra’iisal wasaarihii dowladii KMG ahayd ee C/qaasim Salaad ayaa sheegay in  Gen. Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan uu ka hor istaagay  inuu kamid noqdo xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub.

xildhibaan-Maxamed-Cabdi-yuusuf
Maxamed Cabdi Yusuf

Wareysi uu siiyay saxaafadda ayuu Maxamed Cabdi Yuusuf   ku caddeeyay in si bareer ah uu Jen. Gabre ugu sheegay in aan lagu dari doonin liiska xildhibaanada baarlamaanka soo socda, taasoo ay ugu wacan tahay mowqifyadiisa siyaasadeed ee siyaasadda Itoobiya.

“Jeneraal Gabre ayaa aniga iga reebay liiska musharixiinta Aqalka sare, isaga ayaana soo xulaayay oo ciddii uu doono ka reebay, siiba siyaasiyiinta diidan Itoobiya…” ayuu yiri Maxamed Cabdi Yuusuf.

Eedeynta ka timid xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa qeyb ka ah faragelinta lagu hayo doorashooyinka Soomaaliya oo dhinacyo kala duwan ka imaaneysa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON