Friday, July 4, 2025

Max’ed Mursal oo Madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay inay taageeraan Lafta-gareen

Baarlamaan ay K/Galbeed ka maqan tahay ma aha Baarlamaan Federaal ee waa Barlamaan 4 Dowlad Goboleed oo is kaashaday

Guddoomiyihii Baarlamaanka 10-aad Maxamed Mursal Sheekh oo shir jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dooday inuusan kulmi karin Baarlamaan ay ka maqan yihiin xildhibaannada K/Galbeed.

Mursal ayaa sheegay inuu ka hadlayo khilaafka ka dhxeeya Ra’iisal wasaaraha iyo Maamulka K/Galbeed, gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaasi oo uu ku amaanay kaalintii uu ku lahaa xalinta khilaafaadkii doorashada.

“Baarlamaanka Federaalka haddii ay hal dowlad Goboleed ka maqan tahay, laguma tilmaami karo inuu yahay Baarlamaan Federaal, Sidaas darted waajib ayey ku tahay ‘Ra’iisul wasaaraha’ inuu raadiyo oo uu qanciyo maamul Goboleedka maqan” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Wuxuu sheegay in Madasha Qaran ay mas’uuliyad iska saaraan tabashada ay qabto maamulka Koonfur Galbeed, lana xaliyo dhibaatada ay qabto. “Dowlad Goboleedyada waa inay C/casiis lafta-gareen u arkaan saaxiibkoodii hore, siduu ula shaqeyn jirayna ay ula shaqeeyaan” ayuu Mursal yiri, isagoo baaq u diray Madaxda Maamul Goboleedyada.

Wuxuu ku dooday in haddii ay dhacdo in 14-ka bishan la dhaariyo Baarlamaan ay ka maqan tahay K/Galbeed ay micnaheedu tahay in Baarlamaan Federaal aanu meesha oolin ee uu yahay Baarlamaan afar maamul Goboleed iska kaashadeen, sida uu yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON