Sarkaal lagu ciqaabay Xabsiga Godka Jilacow oo Dacwadii ugu horeysay geeyay Maxkamadda ICC
Sarkaal ka mid noqday Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaaciyey inuu dacwad k adhan ah Maxamed C/llaahi Farmajo iyo Fahad Yaasiin u gudbiyey Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICC.
Col. Cabdullaahi Maxamed Nuur (Nasri), oo ka tirsanaa Saraakiisha Nabadsugidda Jubaland, balse NISA Muqdisho heshiis la galay ayaa ku danbeyay xarig iyo jirdil loogu geystay Xabsiga Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho, isagoo naafo ka noqday dhinaca danbe.
Sarkaalkan oo wareysi dareen badan kiciyey ka bixiyey xaaladiisa iyo ciqaabtkii uu ku maray Godkaca Jilacow oo ay ka danbeeyeen madaxa Hay’adda NISA oo Fahad Yaasiin ugu horeeyo ayaa ayaa sheegay in uu Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee ICC u gudbiyay dacwad ka dhan ah Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.
Cabdullaahi Nasri wuxuuu wareysi uu la yeeshay Universal TV ku sheegay in maxkamadda ICC ay ka aqbashay dacwadda uu ka gudbiyay Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo shaksiyaad kale oo ka tirsanaa hay’adda NISA.
Wuxuu kaloo shegay in Dacwadda kiiskiisa ugu gaarsiiyey safaaradaha dalalka Reer Galbeedka ee ku sugan Soomaaliya, si loogu garab siiyo in uu caddaalad helo.
