Maxkamada Rafcaanka ee gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ayaa maanta shaacisay inay xayiraadii laga qaadday Wargeyskii Haatuf ee ka soo bixi jiray Hargeysa oo muddo ka badan afar sano xayirnaa, kaasoo ka mid ahaa wargeysyada ugu caansan Somaliland.
Wargeyska Haatuf oo hore maxkamada gobolka Hargeysa ay ugu ridday xukun ay kaga qaadday ruqsaddii iyo xayiraad ay gelisay, iyadoo maxkamaddu sheegtay xilligaasi inay qoreen warar been abuur ahaa, waxaana tallaabadan soo dhoweeyay gudoomiyaha Haatuf Media Group Yuusuf Cabdi Gaboobe.
“Caddaaladdii aan tabeynay ayaa dhacday, maxkamadda racfaankuna waxay qaadday xayiraaddii saarnayd tan iyo bishii April 2014” ayuu yiri Gaboobe, wuxuuna intaa ku daray in muddadaas afarta sano ah ay iyaguna xirnaayeen labada wargays ee kale ee ku soo bixi jiray luqadaha Ingiriiska iyo carabiga, Somaliland Times iyo Al Haatuf al Carabi, ‘oo wax xukun ah uusan ku dhicin’. “Xaruntii aan ka soo saari jirnay ciidan ayaa la wareegay ilaa maantana jooga” ayuu sii raaciyey.
Yuusuf Cabdi gaboobe wuxuu kalo sheegay in ay maxkamadda gobolka weydiisteen in magdhaw la siiyo. Wuxuuna meesha ka saaray in ay aflagaaddo gaysteen, wuxuuna sheegeen in ay wax ka qoreen wax uu ku timaamay “musuqmaasuq iyo talo maroorsi ay ku arkeen xukuumaddii Siilaanyo”, wuxuuna intaa ku sii daray “haddii aan mustaqbalka aragno, sidaasoo kale ayaannu u sheegi doonnaa”.