Monday, July 14, 2025

Maxkamad ku taalla Puntland oo xoriyad siisay xubno ka tirsanaa ururka DAACISH [Akhri sababta]

Maxkamadda Ciidamadda Puntland ayaa xoriyadoodii u celisay, isla markaana fasaxday 6 Nin oo ka tirsanaa Ururka khilaafada Islaamiga ee Daacish (ISIS).

Xubnahan ayaa dhowaan isu dhiibay ciidamadda Puntland, iyagoo la geeyay magaalada Boosaaso. Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Col. C/fitaax Xaaji Aadan oo ku dhawaaqay cafiska iyo sii deynta maxkamadda oo uu sheegay inay ku qanci weyday eedaymaha ay soo jeedisay xeer Ilaalinta Puntland.

Xubnaha ka tirsanaa Daacish ee la fasaxay ayaa kasoo kala jeeda Gobolladda Waqooyi  ee Somaliland & Koonfurta, waxaana sii deyntoodu ka danbeysay markii maxkamadu ogaatay inay isa soo dhiibeen, arrintaas oo ah go’aan siyaasadeed u yaalla Puntland qofkii isa dhiiba xoriyadiisa la siinayo.

MAGACYADA XUBNAHA DAACISH EE LA FASAXAY WAXAY KALA YIHIIN:

  1. Maxamuud Axmed Shaamir, ku dhashay Hargaysa
  2. FEysal Idiris cilmi 28 jir ah ku dhashay Boorama
  3. C/salaam Axmed Xaaji Siyaad 17 jir, Ku dhashay Kuwait
  4. C/xakiim Xuseen Xasan 25 jir, ku dhashay Muqdisho
  5. Isaaq xuseen Cabdi Ku dhashay Baydhabo.
  6. Siciid Cali Bare 31 jir ah Ku dhashay Muqdisho.

GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON