Monday, June 23, 2025

Maxkamad Mareykan ah oo Xukun ku riday Nin Somali ah oo lagu helay inuu dilay xaaskiisa

Maxkamadda Gobolka San Diego ee dalka mareykanka ayaa xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu helay in xaaskiisa ku dilay isla gobolkaasi.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cabidasiis Keerow oo 48 sano jir ah, ayey Maxkamadda San Diego ku xukuntay 26 sano oo xabsi ah, k dib markii lagu helay inuu xaaskiisa ku dilay magaalada magaalada Cleveland Heights ee gobolka California.

Hore ayaa ninkan horaantii sanadkan lagu xukumay Dil nooca darajada koowaad ah, isagoo loo heystay geerida Muna Salaad Kuru oo 36 sano jir ahayd. Muna ayaa waxaa falka dilka lagula kacay sannadkii 2019-kii.

Ad

Waaxda booliska ee magaalada San Diego ayaa Kerow u aqoonsaday inuu yahay tuhmanaha dilka xaaskiisa, waxaana warsaxaafadeed Boolisku soo saaray lagu sheegay inuu baxsaday lana raadinayo dilkeeda halka Kerow laba todobaad ka dib lagu xiray dalka Panama, loona masaafuriyey dalka Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON