Friday, July 11, 2025

Aqalka Sare ee Mareykanka oo ansixiyay Xeer ay is guursan karaan Ragga ‘Qowmu Luudka’

Aqalka Senate-ka ee Mareykanka ayaa Talaadadii shalay meel mariyay hindise sharciyeedka loogu yeeray “ilaalinta guurka dadka isku jinsiga ah” ee dalka Mareykanka oo dhan.

Xeerkan ayaa ogolaanaya sharcina ka dhigaya inay is guursan karaan laba rag ah ‘Falkii Qowmu-luudka’ sidoo kalena ay is-guursan karaan laba haween ah, wuxuuna meesha ka saarayaa in maxkamadda sare ee Mareykanka go’aan ka soo saarto arrintan.

Xeerkan waxay xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Senate-ka ay ku ansixiyeen 61 cod iyo 36 oo ka hor timid, waxaana kadib loo gudbin doonaa Golaha wakiilada cusub si ay ugu codeeyaan, taasoo la filayo inay si fudud u dhacdo, maadaama ay hore u ansixiyeen xeerkan bishii July, kahor inta aanay Aqalka Sare wax ka beddelin.

kadib ansixinta Xeerkan ayuu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden soo saaray bayaan uu ku bogaadiyay, kuna yiri, “Iyadoo maanta ay Aqalka Senete-ka codadka labada xisbi (Demoqraadiga iyo Jamhuuriga) ansixiyeen sharciga ixtiraamka guurka, Mareykanka wuxuu ku dhow yahay inuu dib u xaqiijiyo runta aasaasiga ah: jacaylku waa jacayl, dadka Maraykankuna waa inay xaq u leeyihiin inay guursadaan qofka ay jecel yihiin noocii uu doono”.

Sharcigani wuxuu burinayaa dhammaan sharciyadii hore ee qeexayay guurka inuu yahay mid ka dhexeeya nin iyo naag.

Guurka ka horjeeda dabeecadda Ban’aadamka ee ay wax iska dayaan Ragga dhexdooda iyo Dumarka dhexdooda ayaa hadda Mareykanka ka noqonaya mid heer federaal, sidaas darteed ma jiro gobol soo saari kara sharci lagu mamnuucayo dhaqankan.

Waxaa dalka Mareykanka muran weyn ka dhasgay Go’aanka Maxkamadda Sare ee dalkaasi soo saaray ishii June 2022 oo ay ku laashay xukunkii ay soo saartay 1973-kii, kaasoo haweenka dib ugu celiyay xaqii loo siiyay inay ilmaha iska soo ridaan.

Dalalka reer Galbeedka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday olole lagu sharciyeynayo faaxishada in Ragga iyo dumakrka isku noqdaan, taas kaliya maahee waxay haddana gaartay inay xuquuq yeeshaan oo la sharciyeeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON