Tuesday, July 15, 2025

Maxkamada Dastuuriga oo Go’aan aan ka farxin xisbiyada mucaaradka ka soo saartay Doorasha Somaliland

Maxkamada Distuuriga ah ee Somaliland ayaa maanta soo saartay go’aankii la sugayay ee doorashada maamulka Somaliland iyadoo soo afjartay murankii xilliga doorashada ka taagnaa, iyadoo maxkamaddu ku dhawaaqday in la qabto doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland 28-ka bisha Maarso 2017.

somaliland

Maxkamada Distooriga ah ayaa laashay heshiiskii saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo UCID  ku gaareen in doorashadu dhacdo December 2016. Waxayna tani ka dhigan tahay inay Maxkamadu taageertay go’aankii Golaha Guurtiga ee muranka badan dhaliyay oo xisibiyada mucaaradku ka horjeedeen.

Guddoomiyaha Distuuriga oo ah tan u sareysa maamulkaas Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay hereero fadhiyeen toban Garsoore ayaa fadhiga maanta uga dhawaaqay go’aanada maxkamadu gaartay, kadib markii dhowaan madaxweynaha Somaliland u gudbiyay inay muranka xilliga doorashada tafsiir ka bixiso.

Guddoomiyayaasha saddexda xisbi ee ka jira Somaliland oo maxkamada joogay maanta ayaa soo dhoweeyay go’aankan maxkamada sare, iyadoo aanay jirin tallaabo kale oo u furan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON