Monday, June 23, 2025

Maxkamada Sare ee dalka Masar oo joojisay xukunkii dilka ee lagu xukumay Maxamed Mursi

Maxkamadda sare ee Masar ayaa go’aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumay madaxweynihii hore ee Maxamed Morsi, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado.

Sanadkii hore, Mr Morsi ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu eedeeyay xabsi uu ka baxsaday waqtigii kacdoonkii dalka Masar ee sanadkii 2011.

mohammed-morsi

Maxamed Mursi oo wajahaya dacwado fara badan oo ay ka mid tahay inuu sirta dowladda Masar siiyay ururka Xamaas, kacdoon, dad lagu waayay banaanbaxyo ka dhacay Qaahira iyo dacwado kale ayaa hadda la joojiyay xukun ka mida kuwii hore loogu riday  oo ahaa in toogasho lagu xukumay.

Mr Morsi oo ka mid ah xisbiga Akhwaan Muslimiinta ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto kadib kacdoonkii Carabta.

Laakiin waxaa xukunka ka qaaday milatariga 2013-dii, kadib mudaaharaadyo looga soo horjeeday dowladiisa, iyadoo uu markaas inqilaab xilka kula wareegay wasiirkii Gaashaandhigga C/fataax Siisi oo markii danbe noqday Madaxweyne.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON