Wednesday, June 25, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo Dil ku xukuntay Askari ka tirsan Booliska magaalada Beledweyne {Sawirro}

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Askarigan oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Shiidow ayaa 27-dii Bishii Ogost ee la soo ku dilay magaalada Beledweyne Darawal ooto Bajaajle ahoo  lagu Magacaabi jiray Yaasiin Cali Saneey, dilkaasi oo xaalad colaadeed iyo qasaare dhimasho ah ka dhaliyay magaaladaasi.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Magaalada Baledweyne ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday Askariga, isagoo sheegay in maxkamadda Ciidamada dil toogasho ah ku xukunta askariga dilka geystay.

Waxaa kaloo maxkamadda laga sugayaa xukun kale oo lagu qaadayo lix qof oo lagu soo eedeeyay dagaal beeleed abaabulan iyo dilka 4 qof oo kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON