Wednesday, July 9, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo Dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsanaa Ciidamadda Xoogga Dalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kadib markii lagu helay inuu si bareer ah u dilay qof shacab ah.

Maxkamadda ayaa Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ku xukuntay dil toogasho ah, kaasoo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, sida uu u shaaciyey Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  ayaa loo heystay dilka Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe  26-11-2018.

Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud  ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la  socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka.

Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto.

Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii 2018, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Waxaa lasoo bandhigay Qiraalka eedeysanaha, Markhaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada  oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud.

Dacwadda oo socotay muddo dhow Bil ayaa maanta go’aanka Maxkamaddu waxay noqotay dil toogasho ah oo ah. Xukunsanaha ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON