Friday, April 19, 2024

Maxkamadda Ciidamada oo oo toogasho ku xukuntay Askari magaalada Muqdisho ku dilay Darawal Bajaaj.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun Dil ah ku riday Eedeysane Cali Maxamud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasoo oo 8-dii bisha May 2109 ku dilay magaalada Muqdisho wade Mooto Bajaaj, isla markaana dhaawacay qof la socday.

Dacwada oo hore loo qaaday ayaa go’aankeeda maanta soo baxay, wuxuuna dilka askarigu geystay ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, iyadoo ninka uu dilay lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta Mooto Bajaajta, wuxuuna dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ahaa.

Xukunka dilka ah ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu qaado askari dil u geystay Darawal Mooto-Bajaaj, iyadoo ciidamada amniga magaalada Muqdisho ay caado u noqotay inay beegsadaan darawallada Mooto Bajaajta.

Ad

Go’aanka Maxkamadda ayaa lagu sheegay inuu askariga qaadan karo rafcaan, haddii aanu ku qancin xukunka dilka ah ee lagu xukumay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON