Sunday, June 22, 2025

Maxkamadda ciidamada oo sii deysay Taliyihii hore ciidamada Danab oo kiiskiisa uu lug lahaa Madaxweynaha

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta sii deysay Taliyihii hore ee ciidanka DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo kiiskiisa uu ku lug yeeshay Madaxweyne Farmaajo, isla markaana dood badan ka dhalatay, qaabka loo xiray ee xilka looga qaaday.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida oo kiiskan la wareegtay ayaa taliyaha kusoo eedeysay wax is daba marin iyo isticmaalka awood dheeri ah oo aan lala ogeyn, waxaana taliyahan oo Mareykanku tababarray Wasaaradda gaashaandhiga lagu xiray Bishii September 2020.

Laba jeer oo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, lasoo taagay markaas kadib markii muran ka dhashay cidda uu u xiran yahay iyo xil ka qaadistiisa. 25-kii bishii November ayaa la dhageystay eedeyama ka dhanka ah Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, waxaana markhaatiyaal Maxkamadda ka hadlay ay qireen in Ismaaciil Cabdi Maalik uu yahay sarkaal asluub wanaag leh

Ad

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa markii dambe dalbaday in dacwada dib loo dhigo, maadaama aanay dhameystirneyn dacwada loo heysto, intaas kaddib 6-dii bishii december ayay Maxkamadda mar kale dhageysatay dacwada loo heystay.

Ma jirin qof ku marqaati kacay oo ku saabsanaa eedeymaha Taliyaha loo soo jeediyay, waxaana qareenka u doodayay Gaashaanle Ismaaciil cabdi Maalik uu ku tilmaamay inuu ahaa sarkaal kulansaday akhlaaq wanaag, ka warqabida ciidanka iyo dhisida moraalkooda, sidaas darteed loo baahan yahay in maxkamadda sii deyso

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna sidoo kale qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Taliyihii Danab hadii aysan jirin dambiya kale oo loo haysto.

Kiiskan sarkaalkan oo ahaa mid siyaasadeed oo uu ku lug lahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa ujeedkiisu ahaa in xilka laga qaado, waxaana odayaal kasoo jeeda beesha Sarkaalkan oo u tegay Madaxweynaha uu u sheegay in la baarayo, waxaana soo fara geliyay safaaradda Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON