Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u xukun ku riday afar eedeysane oo loo heysatay dilka Taliyihii ciidamada Gorgor Maxamed Saleebaan Abiikar (Maxaadey) iyo askari ilaalo u ahaa, kuwaasoo oo ilaalada Hotelka Maa’ida (Ex. Naasahablod 2).
Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay laba eedeysane dil toogasho ah oo ah qisaasta taliyaha iyo askariga la socday, halka labada kale lagu xukumay 5 sano oo xarig ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute.
Waxaa dil toogasho ah lagu xukumay: Xasan Shuute Cusmaan iyo Juulle Gaabow Ibraahim oo ay ku caddaatay inay rasaastii ka dhacday Qoryahooda ay dishay taliye Maxaadey iyo Askariga kale, iyadoo min 5 sano oo xabsi ah lagu xukumay:- Salaad Xeyle Macalin, iyo Mukhtaar C/llaahi Muuse.
Maxamed Saleebaan abiikar maxaadey -Taliyihii ururka Gorgor iyo Dable ismaaciil Maxamuud Maxamed oo ilaalo u ahaa ayaa Muqdisho lagu dilay Oktoobar 2019.
Afarta xukunka lagu riday ayaa heysta muddo bil ah oo ay rafcaan uga qaadan karaan xukunkani.

