Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Dil toogasho ah ku xukuntay Wiil dhalinyaro ah oo ka lagu helay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish, isla markaana dil ka geystay magaalada Muqdisho.
Wiilkan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Maxamed ayaa ayaa Suuqa Siinaay ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada ilaalada degaanka Xamar ee canshuurta qaada kormeere saddexaad Maxamed Cabdi Dhuxulow , iyadoo hore maxkamadda loo soo taagay oo xeer ilaalinta ciidamada ay dalbatay in Dil toogasho lagu xukumo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna sheegay inuu heyso rafcaan muddo bil gudaheed ah.