Friday, June 18, 2021

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun kasoo saartay Dilka Gudoomiyihii Hodon (Taliye & Askar la xukumay)

Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ka soo saartay Kiiska culus ee Dilka Guddoomiyihii Degmada Hodon C/xakiin Dhegajuun oo ciidamo ka tirsan Booliska ku dileen magaalada Muqdisho Bishii Janaayo 20201.

Dacwadan oo ahayd mid si weyn isha loogu hayey ayaa si toos ah looga daawaday warbaahinta, kala duwan, waxaana ku lug yeeshay madaxda xukuumadda iyo ehelada Guddoomiyaha la dilay, iyadoo la bedelay natiijadii Baarista Xeer ilaalinta ciidamada oo markii hore kiiskan ka dhigtay mid aan ula ka ahayn.

Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa lagu shaaciyey war-saxaafadeed kasoo baxya Maxkamadda, waxayna caddeysay in kiisku ahaa shil uuna ahaa sidatan:

Ad

1- Taliyihii Saldhigga Howlwadaag Gashaanle Shuceyb Cabdi Maxamed oo howlgalka hoggaaminayey waxaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah, iyadoo lagu helay inuu ka gaabiyey hoggaaminta howlihiisa iyo inuu sahlay baxsashada mid ka mida askartii ilaalineysay oo kiiska lug ku lahaa.

2- Dable Bishaar Axmed Cabdi waxaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan, marki lagu helay taxadar la’aan iyo Baxsasho.

3 – Jamal Isxaaq Cali, Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Kulmiye Kaariye Cali iyo Faarax Sabriye Afrax, waxaa lagu xukumay min laba sano oo xarig ah.

- Advertisement -

4- Waxaa eedeysanayaasha lagu xukumay bixinta Diyo adag oo la siinayo ehelka marxuumka iyo cawil celin la siinayo laba askari oo dhaawac soo gaaray.

Labada dhinac ee kiiskan ayaa heysta inay rafcaan ka qaataan xukunka lagu riday muddo bil gudaheed ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

158,735FansLike
2,430FollowersFollow
5,851FollowersFollow
158,735FansLike
2,430FollowersFollow
5,851FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!