Saturday, July 12, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Askari lagu helay Burcadnimo hubeysan

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ku xukuntay xabsi sano ah, kadib markii lagu helay dhac hubeysan oo uu ka geysay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa ku xukumay Xukun Xasan Abshir 8-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha maxkamadda Ciidamada ee Darajada koowaad.

Xukun Xasan Abshir ayaa si dhuumaaleysi uga baxay aagga dhanaane ee gobalka shabeelaha Hoose, isagoo Muqdisho u yimid inuu dhac ka gaysto suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Isaga iyo nin lagu magacaabi jiray Saleebaan Cali Maxamed  oo howlgal ku dhintay iyo askari baxsaday ayaa dhac ka geystay suuq Bakaaraha. Xukun Xasan Abshir ayeyna ciidamada Amniga ka soo qabteen suuqa Bakaaraha, isagoo ku guda jiray dhac uu u geysanayay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ciidamada Amiga degmada Howlwadaag ayaa iska hor imaad ku dhex maray suuqa, markii lagu amray inay isdhiibaan, ayuuna bilaabay rasaas askarigan lagu magacaabo Xukun Xasan Abshir taasi oo sababtay in uu geeriyoodo askarigii la socday. Intaas kadib ayuu is dhiibay Xukun Xasan sidaana ay ciidamada amniga ugu soo wareejiyeen Hey’adaha Baarista.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON