Saturday, August 13, 2022

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Nin Bam-tuurista u qabilsanaa Alshabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 20-sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Nin ka tirsan Alshabaab oo u qaabilsanaa inuu Bam ku weerraro fariisimad ciidamada Amniga ee magaalada Muqdisho.

Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan (CabdiNaasir) ayaa lagu dhaawacay bishii August 2021 rasaas ay fureen Ciidamada Amniga xilli uu Bam Gacmeed ku tuuray waaxda Taleex ee degmada Hodon, halkaas oo lagu qabtay.

Ninkan ayaa Xeer ilaalinta u sheegay inuu Alshabaab ka tirsana in muddo ah, isagoo sanado ku qaatay Duurka, waxaa loo xilsaaray dagaallada Arbushaadda ah iyo Bam tuurista Gobalka Shabeelada Hoose, kadibna loo soo warejiyey Muqdisho.

Ad

Ninkan waxaa lagu helay dembiyo ay ka mid yihiin: Bambooyin uu ku weerarray Bar Ciidamada Amniga ay ku lahaayeen jidka Warshadaha, gaar ahaan Warsame Dool iyo Bam kale oo uu ku tuuray Taleex, qaraxaas oo ahaa kii laguqQabtay oo ay Ciidamada Amniga ku dhaawaceen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON