Tuesday, July 15, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Shan Xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab [Sawirro]

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday shan dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Eedeysanayaasha lasoo eedeeyay ayaa waxay kala yihiin: Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali oo dhammaantood lagu soo eedeeyay inay ka wada tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kale ay ka wada tirsan-yihiin Koox gaar ah oo ay ula baxeen (jugta Culus).

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Milateriga ayaa markii ay aragtay caddeymaha la hor keenay waxay soo saartay xukunadda soo socda:

1- Seddaxda eedeysane ee Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, waxay maxkamaddu ku xukuntay 8 sano oo xarig ah.

2- Labada eedeysane ee kala ah: Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali – waxay  maxkamaddu ku xukuntay min Shan (5) sano oo xabsi Ciidan ah.

Waxaa xukunka ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute uu ku dhawaaqay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON