Tuesday, June 24, 2025

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo la wareegtay ilaaladii Hanti-dhowrka ee dishay Wasiir Siraaji

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa la wareegtay laba nin oo ku eedeysan dilka wasiirkii howlaha guud Cabbaas C/llaahi Siraaji.

Labadan askari oo ilaalo u ahaa hanti-dhowrka guud Nuur Jimcaale Faarax ayaa rasaas ku furay wasiirka xalay oo ka danbeeyay dilkiisa, waxaana dood dheer kadib iyo is qabsi ku saabsan waxa laga yeelayo raggan  lagu wareejiyay maxkamadda ciidamada Qalabka sida.

Maxkamada Cidamada Qalabka Sida ayaa xabsiga dhigtay labada nin ee ku eedaysan dilka Wasiirkii Howlaha Guud, kadib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay ku adkeysteen in la xiro.

Ilaalo la socotay wasiirka la dilay ayaa la baarayaa waxaana dhaawacmay mid ka mida, halka mid kale uu ka badbaaday.

Kiiska dilka Wasiir Siraaje ayaa mid adag oo la isku dhex wado inuu ahaa shil, lama filaan ah iyo inuu ahaa kiis  dembiyeed, wuxuuna saameyn ku yeelan doonaa ilaalada faraha badan ee madaxda dowladda leeyihiin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON