Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amartay in xabsiga lagu soo hayo weriye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warnaahita Goobjoog ee magaalada Muqdisho inta uu ka dhamaanayo Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Soomaaliya.
Weriyaha ayaa la sheegay inay dacwad ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya oo ku dooday inuu halis ku yahay bedqabka imtixaanka dowladda, kadib markii uu bartiisa Facebook ku soo qoray inuu hayo qishka imtixaanka dowaldda ee hadda socda, kaasoo ah ku celis, kadib markii uu fashilmay imtixaankii hore.
Maxkamadda ayaa meesha ka saaray eedihii lagu soo oogay weriyaha, waxayna amartay xabsiga laga sii daayo marka uu dhammaado imtixaanka dowladda oo ku beegan Berrito.
Weriye Cali Aadan Muumin oo sidoo kale caan ka ah baraha bulshada ayaa looga yeeray xarunta CID-da, halkasoo lagu xiray shalay markii uu tegay, waxaana lagu wadaa in xoriyadiisa dib loo siiyo Khamiista Berri gelinka danbe oo imtixaanka dowladda uu dhammaan doono.