Monday, June 23, 2025

Maxkamadda G/Banadir oo xirtay Kiiskii C/casiis Gurbiye & Xeer ilaalinta oo mar kale bedeshay…

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeysay kiiskii Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho C/casiis Axmed Gurbiye, iyadoo go’aanka ay ku dhawaaqi doonto waqti kale.

Doodii saaka oo loo diiday inay saxaafadda ka qeyb gasho ayey xeer ilaalinta mar kale bedeshay dacwadda weriye Gurbiye, waxayna u bedeshay khalkhal gelin Amni markii uu faafiyey inuu warar been ah ka faafiyey xeer ilaalinta iyo Hanti dhowrka, kuna saabsan inay xirteen Bakhaarada daawada ee isbitaalka Martiini.

Dood culus oo ka dhacay fadhigii maanta ayey qareenada u doodaya Weriye C/casiis Gurbiye ku diideen dacwad saddexaad oo lagu soo oogo, waxayna caddeeyeen in aan waxba laga bedeli karin dacwaddii lagu soo xiray weriyaha oo ahayd qodobka 220 ee ku saabsan sharafta Madaxweynaha Qaranka, waxaana baare ka socday Xeer ilaalinta uu ka jawaabi waayey su’aalihii Qareenada.

Ad

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqday in lasoo gabgabeeyay dacwadii ka dhanka ahayd Weriye C/casiis Axmed Gurbiye, isla markaanaay dib kasoo sheegi doonto Go’aanka kiiska.

Daahir Carab oo kamid ah qareenada u doodaya C/Casiis Axmed Gurbiye ayaa sheegay in Xeer ilaalinta ay soo bandhigtay eedeynta loo heysto Wariyaha sidoo kale qareenada dhankooda ay soo bandhigeen waxyaabaha ay ku difaacayaan Wariyaha, isla markaana Maanta Maxkamadda la soo geba-gabeeyay go’aana ay sugayaan.

Dacwadda Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog C/casiis Gurbiye oo socoday muddo ku dhow laba bilood ayaa xeer ilaalinta muddo saddex jeer ah bedeshay eedeyntiisa, waxaana lagu eedeeyay inay dacwadda ka danbeyso Madaxtooyada Soomaaliya oo markii dambe ka lug baxday, iyadoo qareenada u doodaya weriyaha ay rajo ka muujiyeen in xoriyadiisa uu dib u helo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON