Maxkamad ku taalla magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmduug ayaa xukun min laba sano oo xabsi ah ku riday seddax qof oo u dhashay dalka Yaman oo kalluumeysato ah.
Waxaa sidoo kale lagu xukumay in ay bixiyaan lacag ganaac ah oo gaareysa min $2000. Raggan ayaa lagu helay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen badaha Soomaaliya, waxaana la soo qabtay labadii bishii Oktobar, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.
Sidoo kale doontii ay la socdeen oo la sheegay in lagu magacaabo Al-Ikhlaas ayaa la soo qabtay, waxayna maxkamadda Gaalkacyo ku xukuntay $50,000 oo ganaax ah.
Saraakiil u hadashay maamulka Galmududg ayaa sheegay in tallaabada maxkamadda ay tahay mid wanaagsan oo “lagula dagaallamayo burcad xaalufineysa khayraadka badda Soomaaliya”.
badda Soomaaliya waxaa ku sugan maraakiib badan oo la dagaallamaya burcad badeedda, balse waxaa horay loogu eedeeyay in si sharci darro ah uga kalluumeystaan xeebaha Soomaaliya.