Saturday, July 5, 2025

Maxkamadda Hiiraan oo sii deydey 7 Qof oo u xirnaa Maamulka Hirshabeelle (Magacyada)

Maxkamadda Gobolka Hiiraan ayaa xoriyadooda usoo celisay, siina deysay 7 qof oo shacab oo magaalada Beledweyn ugu xirnaa maamulka Hirshabeelle.

Dadka oo isugu jiray rag iyo haween ayaa lagu soo eedeeyay kicin dadweyne, waxayna Maxkamadda Gobolka Hiiraan oo la hor keenay ay ku weysay denbiyadii lagu soo eedeeyay.

Guddoomiyaha maxkamadda Hiiraan C/raxiim Muxumed Taakooy oo go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay,ayaa sheegay inaan lasoo dhameystirneyn eedda loo hyestay dadkaasi, isla markaana waafaqsaneyn heerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku sii deysay denbi la’aan.

Dadkan ayaa kala ahaa: Cali Daahir Xeroow, Xasan Cabdi Guure, Maryan Aadan Hilowle, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cilmi, Deeqo Cabdi Waare iyo Xasan Cabdiraxmaan Maxamed.

Dadkan ayaa la sheegay inay ka mid ahayeen taageerayaasha Jeneraal Xuud oo jabhad ka horjeeda Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle ka abaabulay duleedka magaalada Beledweyne.

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON