Maxkamadda Cadaalladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa mar kale dib u dhigta dhageysiga Dacwadda Xuduudka Badda ee Somaliya iyo Kenya.
War kasoo baxay Maxkamadda (International Court of Justice) ayaa lagu sheegay in Kiiska la dhageysan doono 15-19 Maarso sanadka 2021, taasoo ka dhigan in 10 bilood oo hor leh kiiskaasi dib loo dhigay, iyadoo la filayey in dhageysiga dacwadda ay bilaabato 8-da June 2020-ka.
Waa markii saddexaad ee Maxkamadda ICJ ay dib u dhigto dhageysiga dacwadda Xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo hadda sabab loga dhigay xaaladda ka dhalatay cudurka Coronavirus, waxayna arrintan ka danbeysay codes ka yimid dowladda Kenya oo ay dalbatay dib u dhigista Dacwadan.
