Maxkamad ku taalla magaalada Istanbul e dalka Turkiga ayaa maanta xukun Ganaax lacageedah ku riday wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo shil uu galay sababay dilka Nin Mootoole ahaa.
Maxkamadda Istanbul ayaa lacag ganaax ah oo dhan $900 ku xukuntay kadib markii lagu helay inuu si Masuuliyad darro ah u waday Gaari, taasoo keenay inuu keeno shil sababay Geeri.
Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud dembiga ah inuu sababay dil ka dhashay dayacaad, kadib markii gaariga uu watay uu ku dhacay Nin wada Mootooyinka Dalabyada geeya Guryaha, 30-kii bishii November 2023.
Ninka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Yunus Emre Gocer, ayaa ahaa aabaha laba caruur ah, ayaa isbitaalka ku geeriyooday lix maalmood kadib shilka, balse waxaa xiriir dhex maray Qoyska laga dhintay iyo Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la fulayo in si hoose loo xaliyay arrinta.
Madamed Xasan Sheekh ayaa dib ugu laabtay Turkiga, markii dood xoog leh ka dhalatay inuu dalkaasi ka baxay isagoo eedeysane ah, kadibna waxaa maxkamad loo soo taagay kiiska, iyadoo uu maanta soo baxay xukunkiisa xilli uu maxkamadda ka maqnaa.
Maxkamadda Istanbul waxay wiilka Madaxweynaha Soomaaliya ku xukuntay laba sano iyo lix bil oo xabsi ah, balse waxaa loogu beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 lira oo gaareysa ($900 Dollar).
Dacwad-oogayaasha Turkey ayaa doonayey lix sano oo xabsi ah, basle waxaa lagu soo koobay 2 sano iyo bar xabsi oo lagu bedeli karo Ganaax lacageed.
Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale lagala laabtay Leysinkii Gaari wadista ee Turkey muddo lix bilood ah.