Monday, July 14, 2025

Maxkamadda Milateriga oo xukun dil ah ku riday C/raxmaan Cumar Cismaan -Yariisow- [Akhriso]

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxkamadda 7-da bishan August soo gabagabeysay Maxkamadeynta Cabdiraxmaan oo loo heysto dilka Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Warsame oo ka dhacay magaalada Beladweyne Todobadii bishii February ee sanadkan, wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu ninkan u soo baxsaday Muqdisho.

Todobadii bishii July 2018 ayuu isku dayay in uu iska diiwaan geliyo dugsiga tababarka Booliska ee General Kaahiye, wuxuuna ku dadaalayay badalka magaciisa iyo ku biiristiisa ciidamada Booliska, balse ciidamada oo hayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 27-aad ee ka hawlgasha degaanada maamulka Hirshabelle.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah Garsoorayasha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) go’aankiisa loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka, Markaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, Sidaasna loogu xukumay dil toogasho ah.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow ayaa sheegay cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad inay u furan tahay racfaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON