Maxkamadda racfaanka Maamulka la baxay Somaliland ayaa xukun kama danbeysa ah ku ridaa Weriyaha caanka ah ee C/Maalik Muuse Coldoon oo horay ay u xukuntay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.
Maxkamadda Racfaanka Somaliland ayaa weriye Coldoon ku riday xukun 3 Sano iyo Bar ah oo ah isla xukunkii ay hore ugu qaadya Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaana xukunkaasi uu hadda noqday mid kama danbeys ah oo weriyuhu ku qasban yahay inuu xabsigaasi maro.
Hore waxaa isu casilay qareenadii difaacayey Weriyaha oo sheegay inay xaq darro iyo sharci la’aan tahay waxa lagu heysto weriyaha, isla markaana aysan marqaati kasii ahaan karin xukunnada weriyaha, waxaa kaloo goobta ka maqnaa cid ka mid ehelkiisa.
Weriye C/maalik MUuse Coldoon oo aanay ahayd markii ugu horeysay ee Maxkamad Somaliland lagu soo taago ayaa lagu heystaa qoraalo uu ku baahiyey Baraha Bulshada oo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo warar la sheegay inuu ka faafiyey Iskuul lagu magacaabo Abaarso oo ku yaalla magaalada Hargeysa.