Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa amartay in la xiro askar ka tirsan ciidamada Booliska oo Maxkamadda loo geeyay inay markhaati ka noqdaan Kiis Dil ahaa oo bishii Janaayo 2024 ka dhacay xerada Dab damiska ee magaalada Muqdisho.
Kiiskan oo ay hore xukun uga soo saartay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa Mag Diyo ah ku xukuntay eedeysane Mowliid Maxamed Axmed oo ka tirsanaa Ciidamada Haramcad ee Booliska, xukunkaas oo ay Rafcaan ka qaateen Xeer ilaalinta.
Dilka Marxuum Daahir Cabdi Axmed (Daahir Dhagool) ayey xeer ilaalintu ku eedeysan inuu geystay eedeysane Mowliid, ayna dishay Hal xabo o Qoriga BKM ah, balse Qareenada u doodaya Eedeysanaha ayaa ku dooday in rasaas badan ay meesha ka dhacday oo oo kiis gaara loo maleegey ninka kiiskan ku eedeysan ee Mowliid Maxamed.
Howlgalka waxaa horkacayay Taliyaha Haramcad Fanax oo aan kasoo muuqan Maxkamadda, waxaana dooda Qareenada oo ahayd mid culus ay keentay in kiiska dib loo eego, amarna ay maxkamaddu ku bixisay in la xiro dhammaan askartii goobta joogtay ee markhaatiga loo keenay.