Tuesday, June 24, 2025

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo diiday Rafcaan ay qaateen askar lagu xukumay Dil & Diyo-bixin [Sawirro]

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa diiday rafcaan ay qaateen eedeysanayaal ka tirsan ciidamada oo rafcaan ka qaatay xukun ay hore ugu riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida.

Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ayaa si wada jir ah loogu soo eedeeyay in ay rasaas ay rideen ay  ku dhinteen dad rayid ah oo saarnaa gaari Hoomey ah oo marayay waddada Bacaacow ee degmada Afgooye halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu Beledweyn  uu ku dilay Marxuum Xasan Abshir Warsame todobada bishii labaad ee sanadkan.

Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali  2-dii November 2017 ee sanadkii tegay ayay Maxkamadda Darajada koowaad ku xukuntay inay bixiyaan magta Laba boqol oo halaad iyo kharashkii ku baxay dhibanayaal dhaawac uu  ka soo gaaray rasaasta ay fureen, halka  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaastii Marxuum  Xasan Abshir Warsame  26-ka Ogost 2018.

Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray  magaalada Muqdisho.

07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.

10k- bishii tobanaad ee sanadkan ayay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida  muddeysay waqtiga dacwad qaadista labada Kiis, waxaana saddex  maalmood kadib loo ballamay in loo fariistay Maxkamadeynta Saddexda  eedeysane ee rafcaan ka soo qaatay Xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad.

Dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo qaadatay Subaxnimadii Sabtida ilaa Duhuradii ayay dhageysatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada 13/10/2018, waxayna dhinac kasta u bandhigeen Garsoorayaasha hadba qodobada ay cuskanayaan difaacca iyo eedeynta eedeysanayaasha.

Xeer Ilaalinta ayaa si wada jir ah labada kiis ugu dooday inay ahaayeen kuwa ku talagal ah, waxayna Maxkamadda weydiisteen in dil toogasho ah lagu xukumo sida uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenKa Xeer ilaaliyaha  Ciidamada Qalabka Side.

Qareenada u dooday  eedeysanayaasha ayaa iyagana ku dooday in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ay ku guda jireen  howlo shaqo oo amni xaqiijin ah, waxay weydiisteen garsoorka in loo naxariisto  halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo isaga qirtay dambigiisa loo fududeeyo xukunka oo  dhammaan eedeysanayaasha si wada jir ah looga qaado diyo.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn  go’aan ku gaaray in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali lagu  raaco  xukunkii Maxkamadda Darajada koowaad ee ahaa bixinta laba boqol ee halaad ee labada Marxuum  iyo  qarashka ku baxay saddex dhibane ee uu dhaawaca soo  gaaray, waxa ay sidoo kale Maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo ah qisaaasta Marxuum Xasan Abshir Warsame, Sida uu  u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb  galayay fadhiga dacwadda Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON