Tuesday, July 1, 2025

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo diiday Rafcaan ay qaateen laba askari oo sababay Dilka Sarkaal Boolis ah

Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa diiday rafcaan ay qaateen laba askari oo ka tirsan ciidamada Booliska oo sababay dilka sarakaal ka tirsanaa ciidamada Booliska oo lagu dilay saldhigga Booliska degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Maxkamadda sare ayaa dib u furtay dacwadda Sedax Alifle Booliis Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray dilka Marxuum  Ex Kormeera Sedaxaad Booliis Xasan Aadan Ibraahim, wuxuuna dilkaasi ka dhacay gudaha Saldhigga degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir 13-Oktoobar 2018.

Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed  ayaa loo heystaa in qoreygiisa  uu kaga tagay meel cidla ah halka Tahliil oo loo diyaarinayay ciidanimo uu riday xabado sababay dhimashada Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Boliis.  Xasan Aadan Ibraahim.

Ciidamada amniga degmada ayaa isla xilligaasi ku wareejiyay labada eedeysane Hey’adda  baarista Dambiyada CID. Kadib markii ay ka guteen waajibaadkooda  baarista ayay u soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada  Qalabka Side, waxa ayna xafiiska weydiisteen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe eedeysanayaasha gar-sugo ahaan 22-ka 10-aad sanadii 2018.

Maxkamadda Darajada koowaad ciidamada Qalabka Side ayaa muddeysay dhageysiga dacwadda 15-12 ee   2018, waxaana lagu ballamay laba cisha kadib fadhiga hore ee Maxkamadda, waxayna ku kala xukuntay in Tahliil Cali Maxamed uu bixiyo Diyo boqol halaad ah oo ah magta  Ex Kormeera Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xarig ah  halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed lagu xukumay  laba sano oo xarig ah.

Xukunsayaasha ayaa ku qanci waayay xukunka waxa ayna rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare 31-12-2018.

Markale ayaa dib loo furay galka labada eedeysane iyadoo la marinayo marinka cadaaladda, waxaana markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda 8-bishan aynu ku jirno, waxaana shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadeynta Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed.

Doodda u dhexeeysay dhinacyada dacwadda ayaa si isku mid ah fursada loo siiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa si lamid ah soo bandhiga dhammaan qodobada eeddooda, waxaana sidoo kale Qareenada laba eedeysane ku doodeen in loo naxariisto.

Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa ku kala xukuntay

  • Tahliil Cali Maxamed diyo 100-halaad ah oo ah magta Marxuum Kormeer Sedaxaad Boliis   Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xabsi ciidan ah.
  • Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed ayaa isna lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda Sare ayaa ah halka ugu dambeyso oo uu ula Laabto xukunsanaha hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON