Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale Xukun dil ah ku xukuntay G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed.
Sarkaalkan ayaa rafcaan ka qaatay xukun dil ahaa oo ay ku xukuntay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ay ku caddaatay inuu si bareer ah u dilay taliye xgeenkii ciidamada Badda Soomaaliya Generaal Siciid Mariino.
Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida Ex. G/Sare C/naasir Xoosh Maxamed ayaa 18-kii bishii Janaayo 2018 ku xukuntay dil toogasho ah. Waxaana rafcaan uu qaatay ay markale diiday maxkamadda Sare ee ciidamada.