Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta soo gabagabaysay kiiskii Caasha Ilyaas Aadan oo 12 sano jir ahayd, tasoo fal kufsi waradeer ah iyo dil l;oogu geystay magaalada Gaalkacyo.
Saddex eedeysane oo falkaasi hore loogu xukumay dil ayaa rafcaan ka qaatay xukunkaasi, iyadoo Maxkamada sare a derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal dil toogasho ah ugu, waxayna maxkamadda sare ku riday isla xukunkii hore ee toogshada ahaa, wuxuuna go’aankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee ragga loo heystay kufsigii iyo dilkii Waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan Febraayo 2019.
Ragga lagu helay kiiskan ee mar kale dilka lagu xukumay ayaa kala ah: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo walaalo ah iyo Cabdishakuur Maxamed Digge. Waxaa maanta maxkamadda sare ku sugnaa ehelada Caaisho Ilyaas, Ragga la xukumay iyo dadweyne kale.