Maxkamadda Sare ee dalka ayaa Qoraal ay soo saartay amartay Hay’adaha dowladda in la dhaqan gelinayo lana fulinayo go’aankii ay laashay 8 kursi oo xildhibaano si sharci darro ah ugu fadhiyaan.
Qoraalka oo ay ku saxiixnaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo 4 Garsoore oo heer Federaal ah ayaa ku socday xeer ilaalinta iyo Garyaqaanka Guud, waxaana loo gudbiyay dhaqan gelinta go’aanka Maxkamadda sare ee tirsigiisu ahaa MS/DH/09/2017.
Xeer ilaaliyaha iyo Garyaqaanka dowladda ayaan la ogeyn tallaabada ay qaadi doonaan iyo in 8-da xubnood ay dacwad u raacan doonaan ama soo qaban doonaan, waxaana xaalad adag ku jirta xiriirka hay’adaha sare ee dowladda Federaalka.
AKHRISO QORAALKA