Wednesday, June 25, 2025

Maxkamadda Sare oo diiday hor-istaagii Dacwadda ee Qareenka Dowladda & Qareen laga saaray difaaca Xisbiga Himilo

Maxkamadda Sare ee dalka oo maanta u fariisatay dhageysiga dacwad Xisbiga Himilo ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed u gudbiyey ayaa go’aan kasoo saartay, iyadoo dib loo dhigay qaadista dacwadda lidka ku ah Hay’adda Duulimaadyada rayidka ee xukuumadda Somalia.

Furitaanka dacwadda ayuu u dooday qareenka dowladda in aanuy jirin dacwad maamul oo meesha taalla, isla markaana go’aannada kasoo baxay Hay’adda duulista ay ku wajahnaayeen shirkado diyaaradeed iyo hay’adda ICAO, isagoo doonayey in meesha laga saaro dacwadaasi, wuxuuna sidoo kale madaxda Qareenka Xisbiga Himilo ku sheegay inuu yahay shaqaale dowladeed oo aanu geli karin howl difaac qareennimo.

Dhinaca difaacaayay Xisbiga Himilo ayaa ku dooday in qaraarka soo baxay uu yahay mid maamul oo saameyn ku yeeshay muwaadiniin Soomaaliyeed, isla markaana dhaliyey dhibaatooyin waaweyn oo lagu tuntay xuquuqdii dadka iyo sharciyadii socdaalka, iyadoo dalbaday in dacwadda ay maxkamadda sare qaadisteeda bilowdo.

Muddo kadib ayey maxkamaddu go’aamisay in dacwaddu waa dacwad maamull, uuna jirto qaraar maamul oo laga dacwoon karo; waxayna maxkamadda diiday is-hortaagii qareenka dowladda, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.

Waxay kadloo maxakmadda go’aamisay in madaxii qareenada Xisbiga Himilo laags aaray kiiska difaaca qareenada, maadama uu noqday shaqaale dowladeed, waxayna ugu danbeyn maxkamaddu aqbashay codsi dib u dhigis dacwad oo ay soo jeediyeen qareenada difaacayey Xisbiga Himilo, waxaana muddo 5 maalmood ah dib loo dhigay kiiska, iyadoo la guda geli doono dacwadda loo heyso hay’adda duulista dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON