Friday, April 19, 2024

Dagaal Muqdisho ku dhex maray Ciidamo Boolis & Milateri ah & Taliyihii Booliska degmada oo ku dhaawacmay

Dagaal ka dhashay muran dhul ayaa maanta ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalkaasi dhex maray ciidamada Booliska degmada iyo kuwa milateriga.

Dagaalkan oo daqiiqado ocday kana dhacay Xaafadda Bunbacoole ee degmada Heliwaa ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba askari oo milteri ah, iyadoo lagu dhaawacay taliyihii ciidamada Booliska degmada Heliwaa Cali Culusow.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu salka ku hayo dhul la isku heyso oo sababay inay ku dagaalamaan ciidamada ka kala tirsan Booliska iyo Milatariga. Dagaalka ayaa istaagay, waxaana la qaaday dhaawaca taliyaha ooliska degmada iyo askartii geeriyootay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON