Thursday, June 26, 2025

Maxkamadeynta Sheekha Caanka ah ee Salmaan Alcawda oo Sacuudiga ka bilaabatay & Xukun Dil ah…

Maxkamadeynta sheekha caanka ah ee u dhashay Sacuudiga Sheekh Salaam Alcawda ayaa si qarsoodi ah uga bilaabatay dalka Sacuudiga, kadib markii uu xirnaa muddo sanad ah.

Maxkmad gaara oo loo dhisay dembiyada lagu galo argagixisada ayaa shalay la soo taagay Sheekh Salmaan Alcawda, waxaana lagu soo eedeeyay 37 dembi oo kala duwan, waxaana la yaab lahayd in Xeer ilaalinta Sacuudiga ay dalbatay in Sheekha lagu xukumo dil toogasho ah.

Wiilka uu dhalay Sheekha ee lagu magacaabo C/llaahi iyo ururrada u dooda xuquuqda aadanada dadka ku xiran Sacuudiga ayaa xaqiijiyey maxkamadeynta Sheekh Salmaan Alcawda oo ka mid ahaa culimada ugu caansan dunida islaamka iyo dowladda Sacuudiga.

Sheekha ayaa la qabtay Septembar sanadkii hore markii uu bartiisa twitter soo dhigay duco uu dalalka Khaliijka u jeediyey oo ahayd: “Allow (Madaxda Khaliijka) quluubtooda midey si uuy kheyr ugu jiro shacabkooda”.

Nidaamka Sacuudiga ee uu horkacayo Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa xirxiray culimo waaweyn ee dalkaasi, siiba kuwa aan isaga  u nacamleyn ee amaanta u jeedin waayey, waxaana arrintan loo arkaa mid naxdin leh oo muujineysa xaaladda Boqortooyda Sacuudiga xilligan mareyso.

HOOS KA AKHRISO WARKA XARIGA SHEEKHA

Sacuudiga oo xir-xiray Culimo waaweyn oo uu ku jiro Sheekh Salmaan Alcawda

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON