Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay ku sugan Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya oo ah dhul bannaan oo aanay cidna lahayn.
“Waxaan ku sugannahay xaduuda u dhaxeyso Mandheera iyo Beled Xaawo oo ah dhulka la yiraahdo No man’s land, waxaan kusoo boqday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland o aaggaas joogaa”, ayuu yiri Maxamuud Sayid oo u warramay BBC-da, wuxuuna intaas ku daray in laba ciidan ay yihiin laba ciidan oo Soomaaliyeed, ayna ahayd wixii khilaaf siyaasadeed ah lagu dhammeeyo si nabadeed.
Maxamud Sayid Aadan wuxuu sheegay in ciidamada Jubbaland ay ka guureen xeradii ay markii hore deganaayeen ayna u guureen xero kale oo isla meeshii u dhow, meeshii horena ay ahayd goob ay deganaayeen dad rayid ah, xerada cusubna ay tahay mid haddii nala soo weeraro aan isku difaaci karaan.
Mar wax laga weydiiyay xiriirka kala dhaxeeya ciidanka Kenya ayuu sheegay inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo keliya, waxaana uu beeniyay eedeyn uga timid dhanka kale ee Beled Xaawo oo sheegay in ciidanka Kenya ay gacan siiyeen xoogagga Jubaland.
Dhinaca kale Magaalada Mandheera ee Kenya ayaa lagu arkay ciidamo fara badan oo ah kuwa taabacsan C/rashiid Janan oo dhex maraya magaaladaasi, iyadoo guddoomiyaha Mandheera Cali Roba uu ka digay in ciidamadaasi ay colaad kale dhex marto kuwa dowladda Soomaaliya.