Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad ku sugan degmada Cadalle ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa goobjoog ka noqday heshiis ay kala saxiixdeen beelaha degaanka ee dhowaan dagaalamay.
Wuxuu taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kaasoo adkeynaya heshiisiinta bulshada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.
Madaxweynaha sheegay inaan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto deeganada gobolka Sh/Dhexe, laguna dhibaateeyo dadka safarka ah, wuxuuna faray laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka inay u midoobaan qofkasta oo lagu helo in uu caqabad ku yahay wada noolaashaha iyo xasilloonida.
“Qof muslim ah oo walaalkiis ah oo Soomaali ah qofkii inta u qasday dilay, magaca uu doono haku dilo waa qaatil, ma ahan reer hebel, qabiil na ma ahan, waa dilaa, dilaana shareecada waxa ay ka qabto waa ognahay, sidoo kale dadka isbaarada dhiganaya waa qaadicul-dariiq iyagana qabiil ma lahan waa in sharciga la marsiiyo.”ayuu yiri.
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo goob joog ahaa kulanka ayaa ballanqaaday in uu mudnaanta koowaad siinayo hirgalinta qodobada ku xusan Baaqa Nabadda Cadale, si loo helo nabadgalyo, horumar iyo xasillooni waarta.
Ugu danbeyn Duubabka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa saxiixay baaqa nabadda Cadale, kaasi oo adkeeynaya walaalnimada iyo wadajirka isla markaana tilmaamaya in bulshada u midowdo dagaalka Khawaarijta. baaqa ayaa hoosta ka xariiqay in qofkii qof dila sharciga la marsiiyo lana xakameeyo jidgooyooyinka sharci-darrada ah.
