Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada magacaabista La-taliyeyaasha iyo Ergada Xafiiskiisa ayaa maanta soo saarya wareegto kale oo magacabais ah.
Xasan Sheekh ayaa Marwo Mako Maxamuud Muuse u magacaabay inay noqoto La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya, kaasoo ah xil cusub oo hore loo arag.
Qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dalkeenna lagaga dulqaadayo cunaqabateynta Hubka ee saaraan, taasoo muhiim u ah in la xaqiijiyo in hubka aanu galayn gacan aan ahayn tan sharciga iyo dowladnimada.
Haweeneydan ayaa hore isugu sharaxday Kursiga HOP062 oo ay sheegtay in si sharcidarro ah looga reebay, markii qoondadii haweenka laga saaray, kursigaas waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Cajiib oo gacansaar la lahaa dowladii Farmaajo.
La-taliyeyaasha iyo ergooyink uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kor u dhaafay 30, waxaana tiro ahaan ku dhow yihiin Golaha Wasiirada ee Xukuumadda.
