Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay laba qof oo Ajnabi ah, kuwaas oo ay dacwad kusoo oogtay Xeer ilaalinta Dalka, kadib falal ka baxsan Sharciga oo ay ku kaceen.
Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa shaacisay inay dalka ka ceyrisay laba ruux oo ajaanib ah, kadib codsi uga yimid xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo labadaas ruux ku eedeeyay in ay ku xad gudbeen sharuucda iyo Xeerarka dalka
Labada ruux ee Soomaaliya laga eryay ayaa lagu kala magacaabaa Jacek Josef Ochman oo u dhashay dalka Poland iyo Ralf Bernhard Gehlig oo u dhashay dalka Jarmalka, waxaan la sheegay inay ku xad gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka ,iyaga oo ka dhexbaxay anshaxa iyo dhaqanka diblomaasidadeed.
Ma jirto faahfaahin kale oo laga bixiyey denbiyada loo heysto iyo shaqada ay dalka ka hayeen labadaan qof oo ka mid ahaa Ajnabiga ka howlgala magaalada Muqdisho.