Ciidamada Amniga Dowladda ayaa xalay howlgal culus ku qaaday laba degmo oo ka mida caasimadda Muqdish, iyagoo ku soo qabtay dad lagu tuhusan yahay AlShabaabnimo iyo Dad iibinayay Maandooriye.
Waxaa howlgalka si wadajira u fuliyey ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Cidamada cusub ee xasilinta Milatary-Police, waxaana lagu qaaday fuliyay xaafadaha Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa soo ururiyay boqolaal dhallinyaro oo markii la baaray kadib laga reebay labo Nin oo la sheegay inuu so galay tuhun ku saabsan inay ka tirsan yihiin Shabaab, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Dhinaca howlgalka ayaa lagu baaray goobo lagu iibiyo waxyaabaha Maanka dooriya, iyagoo gacanka ku soo dhigay Jiirgaamo ay ku jiraan Qamriga macmalka ah ee Calaqa, Xashiish iyo shan qof oo ka ganacsanayay.
Taliyaha Booliska qeybta Weliyow Cadde ee Gobolka Banaadir, Gaashaanle Daa’uud Axmed Carraale ayaa boqolaal dhallinyaro  ah oo howlgalka lagu soo qabtay u sheegay inay la shaqayaan laamaha ammaanka.
