Ciidamada Booliska Muqdisho ayaa kala dareeriyay dad isugu soo baxay xaflad ka dhici lahayd Beerta Nabadda ee u dhow Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo xafladaasi lagu xusi lahaa Maalinta gooni isu taagga Somaliland ee 18-ka May.
Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen dhinacyo kala duwan oo Reer Muqdisho ah iyo qaar ka mida Hargeysa ayaa goobtii xafladda la sheegay inuu ka dhacay khilaaf ku saabsan qabanqaabada xafladd, kadibna ay ciidamo Nabadsugid ah iyo Booliskaa halkaasi tageen oo dadkii kala kaxeeyeen.
Ciidamada Soomaaliya ee oojiyay munaasabaddi 18-ka may ee Muqdisho ayaa sidoo kale xiray Sakariye Nuur Saajin oo Hargeysa uga tegay xafladda Muqdisho lagu qaban lahaa, iyadoo lagu edeeyay inuu qorshaha xafladda lahaa.
Dadka xafladdan soo qabanqaabisay ayaa dhowaan sameeyay mashruuca ‘Irir Samaale’ ee ay wadaan kooxo Haregysa iyo Muqdisho kala jooga, waxaana dadkii xafladda k qeyb geli lahaa loo qeybiyay calamada Somaliland oo Hargeysa laga keenay.
Dhinaca kale xaflad kale oo ka dhaceysay Hotelka Maka Almukarama ayaa ku dhammaatay qalalaase iyo Dhagax-tuur, markii laba koox oo ay u kala baxen qabanqaabiyeyaashii xafladda uu dagaal dhex maray.
